Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa sheegay in Maamukiisa uu wado qorshe gabi ahaanba Gobolada Jubooyinka iyo Gedo loogu saarayo xarakada al-shabaab.
Madaxweyne axmed Madoobe ayaa Tilmaamay in qorshaha loogu Talagalay arintaan in ay meel gabo-gabo ah marayaan dhawaana Maamulka Juba-land uu bilaabi doono Howlgalada lagula dagalaamayo xarakada al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalkaan ay qeyb ka Yihiin ciidamada dowlada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee amisom kuwasoo ku sugan qebo kamid ah Gobolada dalka soomaliya.
Madaxweyne axmed Madoobe oo Haatan ku sugan magaalada Nairobia ayaa Magaaladaas waxa uu kula Kulmay Madax ka Tirsan dowlada Mareykanka ka socota isagoona kala Hadlay sidii Maamulkiisa loogu gacan siin Lahaa la dagaalanka al-shabaab.

