Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda iyo odayaasha gobolka Hiiraan oo isku afgartay qodobo horudhac ah+Sawirro

0

Wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carteh iyo duubabka, maamulka iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan oo kulamo isdabajoog ah labadii cisho ee lasoo dhaafay ku yeeshay magaalada Baladweyne ayaa isku afgartay qodobo horudhac ah.

Kulan dheer kadib oo dhexmaray Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xiigenka dalka, iyo qaar kamid ah duubabka dhaqanka ee gobolka Hiiraan oo uu horkacayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayey ku heshiiyeen qodobada soo socda;

Waxaa la isu afgartay in si degdeg ah loo bilaabo Wadahadal la isugu soo dhaweeynayo kala aragti duwanaanta jirta.

Waxey kalsooni buuxda siiyeen wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si ay xal ugu raadiyaan caqabadha siyaasadeed ee hortaagan geedi socodka dhismaha maamulka labada gobol.

Ugu dambeyn, Wafdigi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa socod dheer ku soo maray magaalada Baladweyne kadibna galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

—–DHAMAAD—–

14522357_812272502208896_1380221794_o 14536774_812272565542223_1034996661_o 14550576_812272452208901_321581419_o 14550968_812272995542180_1631685874_o 14571880_812272362208910_700332289_o 14571882_812272632208883_1702734229_o 14572521_812272782208868_679390355_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here