Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA Generaal Cabdullahi Gaafow Maxamuud ayaa shaqada ka eryay askar lagu qiyaasay 1,500 oo ka Tirsanaaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaliya.
Sida lagu daabacay Alleastafrica Ciidamadan ayaa loo eryay sababo la xiriira inay ka soo bixi waayeen waajibaadkooda shaqo, waxaana uu doonayaa taliyaha cusub ee Hay’adda Nisa Generaal Gaafow in uu dardar galiyo howlaha Ciidamada Nabad sugida oo loogaga soo horjeedo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Mas’uuliyiinta Shaqada laga fariisiyay waxaa kamid ah taliyihii Ciidamada nabad sugida Gobolka Banaadir Abdixakim Farey, waxaana xilka Taliyaha Nabad Sugida cusub si Kmg ahaan loogu magacaabay Col. Maxamed Xasan Faarax (Faran Far) oo horey uga mid ahaa ku xigeenada Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir .
Tan iyo markii uu xilka la wareegay Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA Generaal Cabdullahi Gaafow waxaa jirey isbadalo uu ku sameenayay qeybaha kala duwan ee Ciidamada, iskastoo ay sii xoogeysteen weerarada ay fuliyaan dagaalhanada Xarakada Al-shabaab.

