Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’ada Culimadda Somaliyeed, ayaa maanta Saxaafadda Kula Hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sida haweenka Soomaliyeed ay loolan ugu jiraan sidii ay ugu heli lahaayeen Dowladda Cusub ee soo socota Qoondada ah 30%.
“Hay’ada Culimadda Somaliyed Waxa ay umadda Muslimiinta iyo Madaxda Dowlada Soomaliyeed ay uga digayaan Barnaamijka Qoondada Haweenka , waa qorshe ay gaaladu wadato, hor dhacna u ah Dhaqan rogga Bulshada iyo Bur burinta Qoyska”, ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’ada Culimadda Somaliyed.
Sheekh Bashiir Guddoomiyaha Hay’ada Culimadda Somaliyed ayaa sheegay Qoondada Haweenka ee Siyaasada inay tahay mid carqalad ku ah qabsoomida Doorasho xalaal ah oo dalka Somaaliya ka dhacda sanadkaan 2016-ka.
“Qoondada Dumarka waxay carqalad ku tahay in la helo Doorasho Xalaal ah waxayna qofka ka xayuubinaysaa Xorriyada codkiisa waana jajuub iyo ara-kutaaglayn qaawan.” Ayuu yiri mar kale Shiikh Sheekh Bashiir.

