Xidiga amaahda kaga maqan kooxda Manchester City Samir Nasri ayaa la rumeysan yahay in marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga uu u dhaqaaqi doono midkood Horyaalada China ama MLS sida maanta lagu daabacay Daily Star.
Laacibka reer France ayaa ku guuldareystay in u helo kalsoonida Macalinka Cusub eee kooxda Manchester City Macalin Pep Guardiola oo dhawaan u ogaaladay in uu amaah ku siiyo kooxda Sevilla ee Horyaalka Spain.

