Wasiir Diini:-Ciidamada Dowladda iyo Amisom Waxay Diyaar u Yihiin Sugida Amaanka Goobaha Doorashooyinka

0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka  Soomaliya C/qaadir Shiikh Cali Diini oo ku sugan Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay iska kaashan doonaan sugida amaanka Goobaha Doorashooyinka ay ka dhici doonaan.

“Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug  iyo anaga waxaan kawada hadalnay sidii loogu wada shaqeyn lahaa Hormarka Maamulka  Galmudug, arrimaha aan kawada hadalnay waxaa kamid ah  sidii loo taageeri lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo haatan ku sugan qeybo kamid ah Gobolada Galgaduud”, ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya Diini.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa tilmaamay in la diyaariyay Ciidamadii ka qeyb qaadan lahaa sugida amniga goobaha doorashooyinka deeganada Maamulka Galmudug islamarkaana ay ka hortagi doonaan Cid walba oo carqaladeenaysa habsani u socodka doorashooyinka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here