Dawlada Kenya oo Sheegtay in ay Cafis u Fidisay Dhalinyarada Kenyaanka ah ee ka Midka ah Al shabaab.

0

Kenya ayaa sheegtay in ay waqti kordhin u samaysay cafiska ay u fidinayso muwaadiniinta Kenyatiga ah ee kujira  Xarakada Al shabaab.

Dhalinyaradaan Kenyanka ah ee  ku biiraya Al shabaab ayaa waxaa dowlada Kenya ay sheegtay in ay sabab u tahay dhaqaalo xumo haysta.

Nelson Marwa oo ah xiriiriyaha Gobolka xeebta ayaa waxaa uu tilmaamay in dawladu ay siiwadi doonto dhaqan celinta ay u samaynayso muwaadiniinta kasoo laabanaya Xarakada Al shabaab.

Marwa oo la hadlaysay Capital FM ayaa waxaa uu sheegay in ay ugaraabayaan dhalinta doonaya in ay dib usoo laabtaan,waxaana uu sheegay in aysan suurtagal ahayn in ay la dagaalamaan dawlada.

Barnaamijkaan cafiska ah ee loogu yaboohay dhalinyarada ku biirtay  alshabaab ayaa waxaa bilaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Minister Joseph Nkaissery sanadkii March 2015-tii.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudha ee dalka Kenya illaa iyo bishii March sanadkii 2015, 1,000 ayaa iskusoo dhiibay dawlada Kenya kuwaas oo dhaqancelin loosameeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here