Xildhibaan Maxamed Axmed Gurwan oo Maanta Lagu aasay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya Lagu aasay xildhibaan Maxamed axmed Gurwan oo shalay kooxo Hubeysan ay ku dhaawaceen degmada xamar weyne ee Magaalada Muqdhso.

Xildhibaanka ayaa si dhaawac ahaan waxaa loo geeyay isbitaalka Daaru-shifa ee Magaalada Muqdisho wuxuuna ku geeriyooday abaarihiin 07:00 feednimo habeen xalay ahaa

Aaskiisa waxaa ka qeyb Galay Madax ka Tirsan dowlada soomaliya sida R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/llaahi Colaad Rooble, iyo gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamanka soomaliya jeylaani nuur iikar, xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka dowlada soomaliya iyo  madax kale.

Madaxdii ka qeyb gashay aaska xildhibaan Maxamed axmed Gurwan ayaa dowlada soomaliya waxa ay ka codsadeen in sharciga la horkeeno kooxihii ka dambeeyay dilka xildhibaanka.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here