Guddiga doorashooyinka Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa maanta bilaabaya araaji qabashada Musharixiinta u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland.
Musharixiinta u Taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland waxaa Haatan u Taagan Musharixiinta kala ah Ilaa iyo hadda waxaa xilkaan us haraxan saddex murashaxiinta kala ah Cabdi Cabdixakiin Xaaji Maxamed (Dhoobo-Daareed), Axmed Cali Xaashi, iyo Siciid Daahir Qodax,
Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland laga dareemayaa olalaha ay wadaan musharixiinta u Taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntalnd oo la filaayo in Maalinta Bari ah ay dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland.
Taariikh kooban saddexda murashax ee u Taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Puntalnd
Xildhibaan Axmed Cali Xaashi wuxuu noqday gudoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland xilligii xukuumadii Cadde Muuse 2006 ilaa 2009.
Xildhibaan Dhoobo-daareed wuxuu kamid ahaa murashixiintii sanadkii 2014 u tartamayay jagada gudoomiyaha barlamaanka, isagoo ku haray wareega labaad islamarkaana helay 16 cod.
Xildhibaan Siciid Daahir Qodax wuxuu wasiir ku xigeenka shaqada, shaqaalaha iyo dhalinyarada kasoo noqday xukuumada Cabdiraxmaan Faroole,

