Ninka ugu sareeya kooxda Beyer Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa cadeeyay In ay kooxda la Kulmi doonto macalin Pep Guardiola si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda Beyer Munich
Karl-Heinz Rummenigge ayaa Tilmaamay inta aan la gaarin sanadka cusub ay macalinka reer Spain Pep Guardiola kala Hadli doonaan mustaqbalkiisa kooxda Beyer Munich madaama uu heshiiskiisa uu dhacayo.
44-jirkaan ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa waxa uu dhacaya dhamaadka sanadka cusub ee 2015-2016 iyadoona kooxda ay doonaysa in ay kusii Hayso macalinkii Hore ee kooxda Barcelona kooxda Beyer Munich.
Pep Guardiola ayaa dalabyo ka helaya kooxaha Manchester United , Manchester City, iyo Chelsea

