Maamul Goboleedka Galmudug ayaa dowlada soomaliya ku wareejiyay Muwaadiniin u dhalatay dalka Iiraan oo dhawaan ay af-duubteen kooxaha Burcad Badeeda soomalida
Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Maamulka Galmudug ayaa ku guuleysteen In ay soo furtaan la haystayaashaan u dhashtay dalka iiraan oo mudooyinki dambe lagu Haystay Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.
4-kamid ah muwaadiniintaan u dhalatay dalka Iiraan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu wareejiyay wasaarada amniga Gudaha dowlada soomaliya iyadoona wasaarada ay kusii wareejisay safaarada dalka iiraan ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka amniga Gudaha dowlada soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ciidamada nabad sugida Maamulka Galmudug ay ku guuleysteen soo furashada muwaadiniintaan u dhalatay dalka iiraan dhawaana lagu raad joogo 9-muwaadin kale oo u dhalatay dalka iiraan oo kooxaha burcad badeeda ay ku haystaan qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ee Bartaha dhulka soomaliya.

