War kasoo baxay Xarakada al-shabaab ayaa lagu sheegay in shabaab uu sii wadi doono beegsiga xildhibaanada Baarlamanka dowlada Fedraalka soomaliya.
shabaab ayaa sheegay in uu ka dambeeyay dhaawicii shalay loo geystay xildhibaan Maxamed axmed Gurwan oo galinkii dambe ee xalay ku geeriyooday Gudaha Magaalada muqdisho,
Waxa ay Tilmaameen shabaab in Rag aad u Tababaran ay ka dambeeyeen weerarkii lagu dhaawacay xildhibaan Maxamed axmed Gurwan oo galinkii dambe ee xalay u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray Rasaasta lagu dhuftay xildhibaanka.
Al-shabaab ayaa Horey u sheegtay weeraro lagu qaarijiyay xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka dowlada soomaliya iyo Madax dowlada soomaliya ka Tirsan,

