War Deg Deg: Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

0

Ala ha u naxariistee waxaa goor dhaweyd Magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Maxamed axmed Gurxan oo maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaankaan ka Tirsanaa Baarlamanka Soomaliya ayaa si dhaawac ahaan waxaa loo dhigay isbitaalka Daaru-shifa ee Magaalada Muqdisho kadib markii kooxda hubeysan ay ku dhufteen ilaa 6-xabadood,

Wasiirka warfaafinta dowlada soomaliya Maxamed xayir Maareeye oo la Hadlay warbaahinta dowlada ayaa xaqiijiyay geerida xildhibaan Maxamed axmed Gurxan oo saakay Lagu dhaawacay degmada xamar weyne ee Magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka dalka ayaa wali ku Raad jooga ragii ka dambeeyay dilka xildhibaan Maxamed axmed Gurxan sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Generaal Cali xirsi Barre cali Gaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here