Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka puntland waxaa laga dareemayaa qaban-qaabadii u dambeysay ay sameynayaan musharixiinta u Taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland.
Labada Musharax ee loo saadaalinayo Doorashada waxay kala yihiin Axmed Cali Xaashi iyo Cabdixakiim Dhoobadaareed, kuwaas oo ka mid ah Xildhibaanada ka yimaada Gobolada Sanaag iyo Hayland.
Dhanka Kale Golaha wakiilada Maamulka Puntland ayaa sheegay in Maalinta Isniinta oo ay taariikhdu tahay 9 Novembar in la isku raacay inay dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland.
Dhawaan ayay aheyd Markii Gudoomiyihii Baarlamanka Maamulka Puntland uu iska casilay Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Kadib Mooshin ay kasoo Gudbiyeen tiro xildhibaano ah.

