Wararka ka Imaanaya Deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa Sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad u dhexeysa Ciidamda Maamulka Galmudug iyo Sidoo kale Kooxo maleeshiyaad ah oo is abaabulay islamarkaana xiliyada habeenkii ah dadka ku baarta xaafadaha deegaankaasi godinlabe.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in saqdii dhexe ee xalay dagaal uu dhaxmaray Ciidanka Ammaanka galmudug iyo Waliba Kooxahan hubeysan,inta laxaqiijiyana iska hor imaadkaas waxaa ku geeriyooday askari ka tirsan Ciidanka Ammaanka ee Dowladgoboleedka Galmudug.
Mid kamida Wariyayaasha ka sugan Deegaankaasi ayaa goor dhaw arintaa Radio Simba uga Waramay.
Hoos ka dhageyso Codka.

