Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka oo Sheegay in ay iska Daafacayaan Weerarada ay Fariisimahooda kusoo Qaadayaan Ciidanka Jubba iyo Kuwa Kenya.

0

Cabdirashiid Macalin Gaas oo ah afhayeenka Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo la hadlay Radio Simba ayaa sgheegay in Maalmahaan ay soo badanayeen Weerarada Ciidanka Dowladda Soomaaliya Xarumahooda ay ku qaadayaan Ciidanka Jubbaland oo kaashanaya Kuwa Dowladda Waddanka Kenya.

Sababta Ka dambeysa arintaan ayuu sheegay in aysan ka warqabin waxaana uu ku Eedeeyey inay arintaan Ka Warqabaan Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidanka Kenya ee ku Sugan Jubbooyinka.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in aysan Gacmaha Ka Laabandoonin haddii ay dhacdo in Mar kale Lasoo Weeraro,Dowladda Soomaliya iyo Madaxda Sare Ee Dowladda Kenya ayuu ugu baaqay in arinkaan aysoo faragaliyaan.

Shalay Deegaanka Goobweyn oo Ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo Waxa ka dhacay Dagaal U dhexeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Maamulka Jubbaland oo Sida la Xaqiijiyey ay Taageero milatari Siinayaan Ciidanka Dowladda Kenya ee ku Sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here