Dowlada soomaliya ayaa ka Hadashay xarigii Maalintii shalay aheyd loo geystay qaar kamid Maamulka Tv-ga Universal Xaruntiisa Magaalada Muqdisho
Wasiiru dowlaha wasaarada Warfaafinta dowlada soomaliya Maxamed Cabdi Xasan “Beekoos” oo saxaafada kula Hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wax badan ka Ogyihiin xariga loo geystay Maamulka Tv-ga Universal iyo xariga Xaruntii Tv-ga ee Magaalada Muqdisho
Maxamed Cabdi Xasan “Beekoos” ayaa Tilmaamay in wasaarada arimaha Gudaha iyo wasaarada Wafaafinta ay marar badan ay kaga Digeen Tv-ga Universal waxa ay Baahinayaan in ay joojijaan kadib markii ay ka Dhago adeegeen ay sababtay in la xiro Tv-ga iyo Maamulkiisa
Shalay ayay aheyd Markii Ciidamo ka Tirsan Kuwa Hay’ada Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka ay Gudaha u galeen xarunta Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho iyagoona xiray Labo Kamid ah Maamulka Tva-ga oo kala ah agaasimaha Bariga africa iyo wariye Cawil Daahir Salaad
Halkaan ka dhageyso Codka wasiiru Dowlaha wasaarada Warfaafinta

