Wararka haatan naga soo gaaraya qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo kamid ah Magaaladaas.
Deeganka Goobweyn oo qiyaastii 11km u jirta Magaalada Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay ku dagaalemeen Ciidanka Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Dowladda Somaliya iyo Ciidamada Jubbaland, oo garabsanaaya Ciidanka Militariga dowlada Kenya.
Sarkaal ka Tirsan ciidamada Dowlada soomaliya oo lagu magacaabo C/rashiid maxamed gaas ayaa Radio simba u sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Maamulka Juba-land oo garab ka helaya kuwa Kenya oo qeybta ka ah Howlgalka amisom.
Waxa uu ku eedeeyay Maamulka axmed Madoobe in ay doonayaaan in ay gabi ahaanba ay la wareegaan Goobaha ay ku sugan Yihiin ciidamada dowlada soomaliya

