Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaliyeed oo la Kulmay Safiirka dowlada Ingiriiska u Fadhiya Soomaliya + Sawiro

0

Taliyaha ciidamada Xooga dalka soomaliyeed  Sareyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa xafiiska safaarada dalka ingiriiska ay ku leedahay Magaalada Muqdisho waxa uu kula Kulmay safiirka dowlada ingiriiska u Fadhiya soomaliya Danjire Harriett Mathews.

Labada Mas’’uul ayaa kawada Hadlay sidii loo xoojin lahaa  Taageerida ay Boqortoyada dalaka Ingiriiska ay siiso ciidamada xooga dalka soomaliyeed iyo bixinta mushaaraadka ciidamada xooga dalka soomaliyeed ay dowlada ingiriiska ay dhawaan Balan qaaday.

Ugu Horeyntii Danjire Harriett Mathews ayaa balanqaaday inay bixinayaan mushaaraadka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad, iyadoo sidoo kale sheegtay in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska xeryaha Ciidamada si loo xoojiyo tayada iyo tababarka ciidanka xooga dalka soomaliyeed,

Dhanka kale Taliyaha ciidamada xooga dalka soomaliyeed Sareyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa sheegay in Mahad Balaaran ay u jeedinayaan dowlada wadanka ingiriiska oo qeyb ka ah dowladaha inta taageera dib usoo celinta ciidamada xooga dalka soomaliyeed.

1 3 21

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here