Doorashooyinka Baarlamaniga ee dalka Turky-ga ka dhacay ayaa la shaaciyay in Xisbiga uu Hogaamiyo Madaxweynaha dalka Turky Recep Tayyip Erdogan ee Caddaladda iyo Hormaarka in uu ku Guuleystay doorashooyinka.
Xisbiga Ugu weyn AKP uu qeyb ka yahay Madaxweynaha dalka Turky Recep Tayyip Erdogan ayaa helay codad gaaraya 49.4% cododkii la Tiriyay Halka xisbigii la Tartamaayay ee CHP uu helay 25.4% cododkii la Tiriyay
Magaalooyinka dalka Turky sida Ankara iyo istanbuul waxaa iskugu soo baxay Taageerayaasha Xisbiga AKP uu Hogaamiyo Madaxweynaha dalka Turky Recep Tayyip Erdogan kuwasoo ku qanacsan qaabkey u dhacday doorashada Baarlamaaniga dalka Turkiga.
Dhanka kale xisbiga laga guuleystay ee CHP oo doorashada ka Hadlay ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin qaabkey u dhacday doorashada dalka Turky-ga iyo guushii uu gaaray xisbiga AKP uu Hogaamiyo Recep Tayyip Erdogan

