Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo cambaareesay Weerarkii Saakay Lagu Qaaday Hoteelka Saxafi

0

Sheekh Bashiir Axmad Salaad  Guddoomiyaha  Hay’adda  Culimada Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho

Isagoo warbaahinta la Hadlaayay ayuu sheegay Sheekh Bashiir Axmad Salaad  Guddoomiyaha  hay’adda  Culimada Soomaaliyeed in wax laga xumaado ay tahay in dad shacab ah oo Maslimiin ah in la weeraro xili ay aheyd markii laga soo baxay salaada subax.

Sidoo kale Gudoomiyaha  hay’adda  Culimada Soomaaliyeed  ayaa Tacsi u direy dhamaan Dadkii wax ku noqday weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho .

Saakay ayay aheyd Markii Rag ka Tirsanaa al-shabaab ay weerar ku qaadeen Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho weerarkaas waxaa ku geeriyooday Madax ka Tirsan dowlada soomaliya iyo dad shacab ahaa oo xiligaas ka ak dhawaa Hoteelka saxafi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here