Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Howlgalo Balaaran ay ka socdaan Magaaladaas saakay
Howlgalka ayaa si wadajir ah waxaa u sameynaya Ciidamada Dowlada soomaliya iyo kuwa midowga africa ee amisom ee ku sugan Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka
Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne Macalin Qalaafoow oo La Hadlay Radio simba ayaa sheegay in Howlgalka uu haatan uu socda ayna dib ka soo sheegi doonaa cidii lagu soo qabqabto Howlgalka Maantay ka socda Magaalada Beledweyne
Dhanka kale Isgaarsiinta Taleefanada Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Hawada ka Maqan Maamulka Gobolka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan isgaarsiinta hawada ka Maqan
Marar badan waxaa Magaalada Baledweyne laga sameeyay Howlglo Baaritaano ah kuwasoo Lagu soo qabqabtay dad Kala Duban oo lagu Tuhmaayo in ay qeyb ka Yihiin falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

