Jeneraal Maxamed Siciid (Moorgan) oo Loo Magacaabay Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta  Puntland

0

Warar hoose oo idaacada simba halayso ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulka Puntlnad Dr C/wali Maxamed Cali Gaas uu xilka Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta  Puntland u Magacaabay Jeneraal Maxamed Siciid Moorgan.

Jeneraal Maxamed Siciid Moorgan oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal  ayaa la sheegay in sababaha uu halkaas u joogay ay qeyb ka aheyd in loo magacaabo Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta  Puntland.

Inkastoo war rasmi ah uusan kasoo bixin Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr c/wali Maxamed Cali Gaas hadana wararkaan ayaa ah kuwa lagu kalsoonaan karo.

Jeneraal Maxamed Siciid Moorgan oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihiisa dalka soo maray waaana Jeneraal oo aad u yaqaana hab dhaqanka Ciidamada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here