Wasiirka Amniga Gudaha “Masuuliyada Dhanka Ammaanka Dalka Cid Kasta ayeey Xil ka Saaran Tahay”

0

Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo  ka hadlaayay amniga dalka ayaa sheegay in amaanka dalka uu yahay mid u wanaagsan balse ay jiraan siyaasiyiiin iyo dad si xun wax u fasiraaya.

Waxa uu sheegay Wasiir  amniga C/risaaq Cumar Maxamed  dhacdooyinkaasi amniga la xiriira Muqdisho inay kala siman tahay dunida inteeda kale oo ay ka dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka, balse aanan la oran karin in Muqdisho kaliya ay gaar u tahay amnidarada dhacda, islamarkaana siyaasiyiinta loogu baahan yahay in ay meel wanaagan ka eegaan waxyaalaha qaar.

Wasiirka Amniga ayaa difaacay shaqooyinka ay hayaan Hay’adaha ammaanka dalka, balse wuxuu sheegay inay adag tahay sida lagu celiyo ama looga hortaggo ruux doonaayo inuu qarax Ismiidaamin ah geysto oo uu dilo naftiisa.

“Masuuliyada dhanka amniga cid kasta ayeey saaran tahay ma’ahan Siyaasiyiinta qarax marka uu dhaco inay u adeegsadaan Siyaasadooda oo ay Dowladda ku dhaliilaan inay amniga wax ka qaban weydo, adiga maad wax ka qabatid amniga oo masuuliyad ayaa kaa saaran.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Marka laga yimaado hadalka wasiirka amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed  Muqdisho ayaa mudooyinkiii dambe marti galinaysay qaraxyo iyo dilal loo geysanaayay Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya weerarkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay waxaa lagu qaaday Xarunta Dambi Baarista Booliska Somaliyed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here