Axmed Cali Daahir “Cidii Lagu Helo Musuq maasuq Xiliga Doorashada Tilaabo ayaa Laga Qaadi Doonaa”,

0

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka digay in laaluush loo adeegsado Doorashada soomaliya ka dhici doonta sanadkaan 2016-ka.

Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay in Tilaabo laga qaadi cid walba ay ku cadaato in ay laaluush u adeegsatay doorashada la filayo in dalka Gudihiisa ay ka dhacdo.

“Waxa ay ilaalinayaan fal dambiyeed dhacay inay ka hortagaan kuna ciqaabaan fal dambiyeedyada ayeey shaqadeena tahay, anaga shuruucdeena ciqaabaysa laaluushka waa mid aad u adag, hadii qof laaluush uu bixiyo oo doorashada uu u adeegsado sharciga ayaa la horkeenayaa, sharci ayaana nooga yaalo mid hada in la soo saaro u baahan ma’ahan.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha oo la hadlay Tv-ga Somali Cable.

Dhamaadka Bishaan  Aguasto ayaa la filayaa in dalka Gudihiisa  ay ka dhacdo doorasho, waxaa diyaar garow ku aadan dhanka doorashada ay wadaan Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here