Abu Musab al-Barnawi  oo Loo Magacaabay Hogaamiyaha Ururka Boko Haram ee Dalka Nageria

0

Ururka Boko Haram ee dalka Nageria ayaa ku dhawaaqay in uu yeeshay Hogaamiye Cusub kadib markii hadalkiisa la waayay Abubakar Shekau.

Abu Musab al-Barnawi, oo ah nin mayal adag ayaa waxaa si rasmi ah loogu magacaabay Hogaamiyaha Ururka Boko Haram, oo ka dagaalama Wadanka Nigeria iyo qaybo ka mid ah Galbeedka Qaaradda Afrika. Wuxuuna xilka ka badali doonaa Abubakar Shekau

Muuqaal ay Arbacadii soo saartay Daacish, ayay ku sheegtay in Abu Musab al-Barnawi uu yahay hogaamiyahooda cusub, ee garabkooda ka dhisan Galbeedka Afrika (Boko Haram), islamarkaana ah koox kamid ah daacish-ta qaarada afrika.

Abubakar Shekau, ayaan tan iyo bishii August ee sanadkii hore 2015-ka soo saarin wax muuqaal ah, iyadoo leesla dhex maraayay Mudooyinkii dambe in lagu qaarijiyay dagaalada dhexmaray kooxda iyo ciidamada dowladaha Midoobay.

Muuqaal uu bishii January ee sanadkii 2015-ka ka soo muuqday Abu Musab al-Barnawi, ayuu isu sheegay inuu yahay Afhayeenka Ururka Boko Haram, waana ka hor intii aanay Boko Haram shaacin ku biiristeedii Ururka Daacish (Dowladda Khilaafada Islaamka).

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here