Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom La Wareegay Deegaano Hoos yimaada Degmada kuntowaarey Gobalka Shabeelaha Hoose

0

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa AMISOM ayaa si Buuxda u la Wareegay Gacan ku heynta  Deegaanka Mukaay Dumis oo Hoos taga Degmada kuntowaarey Gobalka Shabeelaha Hoose

Ka dib Duulaan Qorshaysan oo ay qaadeen Gutada Sedexaad  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar Ahaan Ururka Labaad  oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay Al-shabaab kala Wareegeen Deegaanka Mukaay Dumis oo kamid ah  Deegaanada Al-shabaab ay kaga sugnaayeen Gobalka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka kuntowaarey  Muxiudiin Khaliif Cali oo ka mid ah Mas’uuliyiinta la socda Ciidamada Militariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey in Ciidamada ay La wareegeen gacan ku heynta  Deegaanka Mukaay Dumis.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here