Wasiirada Arimaha Gudaha Maamul Gobaleedyada iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa yeelanaya Shirweyne looga hadlayo Mideynta iyo Wada shaqeynta Wasaarada Arimaha Gudaha Qaranka Soomaaliya iyo kuwa Heer Maamul Gobaleeyada .
Shir Looga Hadlayo Mideynta iyo Wada shaqeynta Wasaarada Arrimaha Gudaha Qaranka Soomaaliya iyo kuwa Heer Maamul Gobaleeyada ayaa Maanta ka Furmaya Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay.
Shirkaan oo ay soo Qaban qaabisay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa waxaa ka soo Qeyb galaya Wasiirada Arimaha Gudaha Maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland,Xubno ka Socda Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Dhexe iyo Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo Marti galiyey Shirka.
Shirkaan oo daba Socda Shirar hore oo ka Dhacay Magaalooyinka Maamul Gobaleedayada ayaa waxaa uu noqonayaa Shirkii uga Danbeeyey ee lagu soo Afjarayo Mashruucii Hormarneed oo loo yaqaano Wadajir Frum Work.
Dhanka kale waxaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay gaaray wafdi uu horkacayay xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo federalka dawlada soomaaliyaYaxye Cali Ibraahin ayado garoonka uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdi Raxman Ibrahim(Sate)




