Wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Maamulka Galmudug ayaa maanta ku wajahan degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.
Ujeedka wafdiga ayaa lagu sheegay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen Mas’uuliyiinta degmada Ceel-buur iyo ka qeyb qaadashada daminta dagaal beeleed u dhaxeeya labo Maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamayay maalmihii dambe deegaanka Xiimcadde oo haatan ay ka arimiyaan maamulka Al-shabaab.
Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur Korneel Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wafdigaan ujeedkooda uu yahay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen xalinta dagaal beeleed maalmihii dambe ka dhacayay deegaanka Xiimcadde.
Deegaanka Xiimcadde Seddex maalin aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Labo Maleeshiyo Beeleed Maamulka Degmada Ceel-buur ee dowlada soomaliya ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay hurinayaan dagaalkaas.

