Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka kii ugu  Dambeeyay oo Maanta ka Furmaya Magaalada Muqdisho

0

Magalada Muqdisho waxaa ka furmaya Maanta Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka kii ugu dambeeyay oo ay isugu imaanayaan Madaxda dalka iyo Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaliya xasan sheikh Maxamuud, Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/Rashiid Cali sharmarke, Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Shiikh Cusmaan Jawaari, Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaliya, iyo Jubba-land iyo wakiil ka socda beesha Caalamka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madxaweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed uusan shirkaan ka qeyb gali karin sababo la xiriira qaliin lagu sameeyay bishii aynu soo dhaafnay isagoo haatan jiifa isbitaal ku yaala dalka Hindiya, waxaa matali doona Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey.

Shirkaan oo ah kii ugu dambeeyay ee isugu yimaadaan Hogaamiyayaasha waxaa  loogana hadli doono arimaha doorashooyinka, iyadoo sidoo kale  warbixino loogu dhageysan doono Guddiga Doorashooyinka dalka qaranka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here