Ciyaaryahan Leroy Sane oo ku Biiray kooxda Manchester City

0

Kooxda Manchester City  ee dalka Ingiriiska ayaa lasoo wareegtay xidigii Kooxda Shalke 04 Leroy Sane kaasi oo kooxda u saxiixay heshiis 5-sano ah.

Manchester City ayaa bixisay aduun dhan £37million waana saxiixi 6-aad ay xili ciyaareedkaan sameyso kooxda Sky Blues marka laga yimaado xidigaha Ilkay Gundogan £21m (Borussia Dortmund) Nolito £14m (Celta Vigo)  Oleksandr Zinchenko  (undisclosed – Ufa) iyo Aaron Mooy (free transfer)  wuxuu xiran doonaa Numberka 19-aad ee Naadiga.

Laacibkii Hore ee kooxda Horyaalka dalka Germany ee Shalke 04 Leroy Sane ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu hoos shaqeeyo macalinkii Hore ee kooxaha Barcelona iyo Beyer Munich Pep Guardiola.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here