Maxkamad ku taala Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaadin haysta dhalashada dalka Ingiriika balse asal ahaan kasoo jeeda Soomaliya oo lagu eedeeyay in sanadkii aynu soo dhaafnay uu weerar ku qaaday nin odey ahaa oo ku sugnaa Meel Tareenada laga Raaco Magaalada London.
Nin 56 jir ah oo lagu magacaabo Lyle Zimmerman ayaa la sheegay in uu weerar ku qaaday Muxyadiin Mire oo 30 jir ah kaasi oo haatan lagu xukumay xukun xabsi daa’In kadib markii sidoo kale lagu eedeeyay in maskaxda loogu jirey xiligii uu weerarka geysanayay.
Lyle Zimmerman oo ahaa ninka la weeraray ayaa la sheegay in uu isku duubay Muxyadiin Mire oo doonayay in uu dad badan ku gowraco goobta Tareenada laga raaco Magaalada London ee dalka Ingiriiska bishii December ee sanadkii 2015-kii.

