Nabadoon iyo Qof Shacab ahaa oo Xalay Lagu Dilay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo

0

Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay Magaalada Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ku dhaawaceen nabadoon si weyn loogu yaqaanay Degmadaas.

Nabadoon Idiris Cabdi Aadan, iyo nin kale ee la socday oo lagu magacaabo Maxamed C/laahi, ayaa waxaa lagu weeraray xaafadda Buurta, ee Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo xilli ay marayeen halkaas.

Dhaawaca Nabadoon-ka  ayaa loo qaaday dhanka degmada Doolow ee Gobolka gedo Balse ugu dambeena waxa la xaqiijiyay in  uu ku geeriyooday isbitaalka ku yaala degmadaas.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ku raad-joogayaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here