Weeraryahanka kooxda Leicester City Jamie Vardy ayaa sheegay in macalinkii hore ee xulka Ingiriiska Roy Hodgson in uu kamid ahaa shaqsiyaadkii ku dheeri galiyay In uu sii joogo Garoonka King Power.
Verdy oo 29-sano jir ah waxaa bartilmaameed ka dhiganayay macalinka kooxda arsenal Arsene Wenger kadib markiii xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay kooxdiisa ka cawin hanashada Horyaalka isagoo u dhaliyay 24-goal.
Kooxda arsenal ayaa wali batilmaameed ka dhiganaysa weeraryahan dhaliye ah inkastoo Jamie Vardy uu iska diiday dalab kaga yimid kooxda Magaalada London ka dhisan.

