Ciidamada Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa Howlgal qorshaysan waxa ay ka sameeyeen Gudaha Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir.
C/kaamil Macalim Shukri oo ah Afhayeenka wasaaradda amniga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa mid qorshaysan islamarkaana ay ciidamada ka sameeyeen xaafad kamid ah dadka degmada warta-nabada oo laamaha amaanka lagu soo wargaliyay in waxyaabaha qarxo lagu qarinaayo.
Afhayeenka wasaaradda amniga Gudaha waxa uu hadalkiisa intaasa ku daray in Howlgalka lagu soo qabtay gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa, iyo maandooriye aad u fara badan iyo dadkii lahaa gaariga gacanta lagu dhigay.
Dhanka kale Afhayeenka wasaaradda amniga C/kaamil Macalim Shukri ayaa ka hadlay dil xalay degmada Kaaraan loogu geystay sarkaal ka Tirsanaa ciidamada Booliska Dowlada soomaliya wuxuu tilmaamay afhayeenka in lagu daba jiro ragii ka dambeeyay dilkaas.

