Shacabka Dalka Brundi oo Kasoo Horjeestay Ciidamo Shisheeye+Sawirro

0

Banaanbax loogu soo Horjeeday hadalkii kasoo yeeray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee ku aadanaa in Ciidamo shisheeye la geyn doono dalka Brundi ayaa ka dhacay caasimada dalkaas.

Banaan-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah dowlada Faransiiska, oo soo gudbisay qaraarka uu Golaha Ammaanku isku raacay kaasoo dhigaya in dalkaasi loo diro 228 askari oo boolis ah.

Beesha caalamka ayaa ka walaacsan inuu dalkaas dib ugu laabto dagaalo sokeeye oo ka dhacay toban sano ka hor ka dib markii ay xiisado siyaasadeed kala qaybiyeen bulshada dalkaasi taasoo ka dhalatay markii Madaxweyne Nkurunziza uu mar saddexaad sanadkii hore isu soo taagay doorashada madaxtinimada.

Madaxweynaha dalka Brundi Pierre Nkurunziza ayaa dhawaan shaaciyay in dalkiisa uusan marnaba aqbali doonin in ciidamo shisheeyo la geeyo dalkaas.

burundi1 burundi2 burundi4 burundi7 burundi8 burundi9

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here