Sargaal ka Tirsanaa Ciidamada Booliska oo Caawa Lagu Dilay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir

0

 

Rag Hubeysan ayaa caawa Gudaha Degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen sarkaal sare oo ka Tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaliyeed.

Goob Joogayaal ku sugan degmada Kaaraan ee waqooyi Bari Magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in xoogag hubeysan ay degmadaasi ku dileen Col.Caddoow Maxamuud oo ahaa sarkaal sare oo katirsanaa  Booliska Soomaliyeed

Col.Caddow Maxamuud ayaa ahaa tababara sare oo booliska Soomaliyeed katirsan balse hadda wuxuu ku magacaawnaa  sida wararka ay sheegayaan Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Galcad gobolka Galguduud bartmaha Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here