Sida ay sheegayaan Wararka weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Ala Ha U Naxariistee Milkiilihii Hoteelka saxafi Mudane C/rashiid Shirre Ilqeyte oo xiligaas Hoteelka ku sugnaa
Mudane C/rashiid Shirre Ilqeyte Milkiiliha Hoteelka saxafi ayaa sidoo kale ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Gobolka Banaadir wuxuuna qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ku sugneed Hoteelka Markuu dhacayay weerarka
Dhanka kale dadkii Hoteelka ku dhintay waxaa kamid ahaa Allaha u naxaristee Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, iyo Abaanduulihii hore ee ciidanka XDS Jeneraal C/kariin Dhegabadan,
Sidoo kale wararka ayaa sheegayaa in ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ay soo badbaadiyeen Taliyihii hore ee ciidamada lugta ee XDS Jeneraal Cali Caraaye Cosoble “Gacma dulle” oo xiligaas ku sugnaa Hoteelka
Wali waxaa ku sugan agagaarka Hoteelka iyo daafihiisa Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo doonaya in Hoteelka ay kasoo saaraan Raga ka Tirsan shabaab ee saakay Gudaha u galay .

