Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in horaanta bisha soo socota ee August Magaalada Muqdisho uu ka dhici doono shir ay isugu imaan doonaan Hogaaminta Madasha Wadatashiga Heer Qaran, sidoo kalana ay ka soo qaybgalayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
“Shirkaan wuxuu dhacayaa 2-da ilaa 4-ta bisha August, waana shir muhiim ah, waxaa warbixin looga dhagaysan doonaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo sheegaya qorsha ugu danbeeya ee Doorashooyinka.” ayuu ku yiri Wasiirka Warfaafinta Wareysiga uu siiyay SONNA.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sidoo kale sheegay in madaxda Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Heer Qaran ay wali ku adkeysanayaan in doorashada soomaliya ay ku dhacayso waqtigii loogu talagalay islamarkaana aysan jiri doonin dib u dhac.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaliya ayaa kusoo beegmaya xili dhawaanahaan ay soo baxeyn warar ku aadan in dib loo dhigay waqtigii Doorashada lagu balamay.

