Dhageyso:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Lagu Eedeeyay in Ay Musuqmaasuq ku Sameysay Raashin Loogu Talagalay Naafada

0

Dadka Naafadda ee wax ku noqday dagaaladii sokeeye ee u nool qaar kamid ah  degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya in ay musuqmaasuq ku sameysay Raashin loogu talagalay naafada Soomaliyeed.

Qaar kamid Naafada soomaliyeed oo ku nool degmooyinka Xamar Jajab, Hodan, iyo dharkinley oo lasoo xiriiray idaacada simba ayaa sheegay in wax raashin ah aysan helin xili wasaaradda arrimaha Gudaha ay shaaciyay in deeqdii raashinka ee loogu talagalay dadka naafada In sidii la rabay ay u heleen.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay tageen qaar kamid ah degmooyinka laga bixinaayay raashinka, islamarkaana halkii ay raashin ka heli lahaayeen ay jirdil iyo handadaad ay kala kuleem degmooyinka sida degmada Xamar Jajab, eedeenta waxay dusha kaga tureen Madaxda wasaaradda arrimaha Gudaha oo ay ku eedeeyeen in aysan ugu dhiibin raashinka dad yaqaana sida loo maamulo, iyagoo hadalkooda ku daray in raashinka loogu talagalay la iibsaday.

Cabashada kasoo yeertay qaar kamid ah Naafada Soomaliyeed ayaa kusoo beegamaya xili dhawaan Markab gargaar ah oo laga leeyahay dalka turkey-ga uu soo xirtay dekadda Magaalada Muqdisho, wasaarada arrimaha Gudaha oo la wareegtay raashinka ayaa lagu eedeeyay in aysan ku wareejinin dadkii mudnaa in ay helaan raashinka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here