Ciidamada amaanka degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay maanta soo bandhigeen 4-wiil oo Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay xiliyada habeenkii ay dhac u geysan jireen Shacabka ku nool Gudaha Degmaaas.
Goobta lagu soo bandhigay Dhalinyaradaan wax dhici jirtay waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada Soomaliya iyo shacabka Dagmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Shacabka Ku Nolool Dagamada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Amaan Iyo Bogaadin U Jeediyay Saraakiisha Ciidanka X.D.S Ee Ku Sugan Gobolka Shabeelaha hoose oo arintaan fududeeyay.


