Guddiga Doorashooyinka Qaranka madax Banaan ee dhawaan la magacaabay ayaa codsday in la siiyo goobo ay ku shaqeeyaan inta ay socoto Doorashada dalka sanadkaan ka dhacaysa.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (xaliimo yarey) ayaa sheegtay in shaqada Gudiigooda ay tahay diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah oo lafilayo in dalka ay ka dhacdo sanadka 2020 loona baahan yahay in madaxda Dowladda iyo shacabkaba ay arintaasi kala shaqeeyaan Guddiga.
Sidoo kale Xaliimo Yarey, oo ah Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dhawaan la magacaabay ayaa ka codsaday dowlada Soomaliya in guddiga la siiyo xafiisyo uu ka shaqeeyo kadib markii ay sheegtay in uusan haatan guddiga laheyn xarun iyo goob uu ku kulmo.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ee Madaxa Banaan waxay ay sheegtay in aysan haweenka Soomaliyeed ogolaan doonin in la siiyo 30% kuraasta aqalka sare waxayna arintaas ay kala hadashay Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo kulanka ka qeyb galay Maanta.
Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumada Somaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hadlay gabagabaadii xafladda ayaa hambalyo iy bogaadin u diray Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka mudadii sanadka aheyd ee ay shaqeynayeen iyo waxqabadka ay la yimaadeen wuxuuna balanqaaday in Xukuumada ay diyaarineyso sharciga doorashooyinka si Guddiga ay helaan wado ay u maraan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

