Warar lagu daabacay Bage-ka kooxad juventus ayaa lagu sheegay in laacibkii kooxda Napoli Gonzalo Higuain uu si rasmi ah ugu soo biiray Naadiga Juve.
Lacagaha lagu soo bixiyay laacibkaan ayaa lagu sheegay €90 million warar ay barahooda bulshada ay soo dhigeen Madaxweynaha Napoli iyo agaasimaha Juventus Aurelio De Laurentiis iyo Giuseppe Marotta ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay heshiiska Xidiga.
Higuain, ayaa u dhaliyay koxda Napoli 36-Goal 35-kulan uu kasoo muuqday wuxuu sanadkii 2013-kii kaga yimid kooxda Real Madrid ee dalka Spain wuxuuna Noqday saxiixii afaraad ee xili ciyaareedkaan ay lasoo wareegto Juventus marka laga soo tago xidigaha Miralem Pjanic, Marko Pjaca, Medhi Benatia iyo Dani Alves

