Inta la xaqiijiyay 14-ruux ayaa ku dhimatay oo isugu jira Ciidamo ka Tirsan Qaramada Midoobbe gaar ahaan kuwa Miino Baarista, kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliya iyo dad shacab ahaa kadib markii labo qarax oo gaari loo adeegsaday ay ka dhaceen meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Qarax Hore oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay meel ku dhaw Irida Ciidamada Amisom ee Xalane, waxay waxyeelo kasoo gaartay Ciidamo ka Tirsan kuwa Amisom iyo kuwa Qaramada Midoobe gaar ahaan Ciidamada miino baarista.
Sidoo kale Qaraxa isagana ka dhacay Koontaroolka ciidamada Nabad Suggida ee Isgoyska Danwadaagta oo aanan wax badan ka Fogeyn Garoonka, ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari yar oo nooca raaxada ah.
Mas’uuliyadda qaraxyada ka dhacay meel ku Dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab.
Sida uu baahiyay Telefeshinka Al Jazeera ee Afka carabiga ku hadla Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda labada qarax ee lagu weeraray Xerada Xalane.
Dhanka kale Ilaa hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Hay’adaha amniga oo loogu hadlaayo qaraxyada ka dhacay meel ku Dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.



