Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in Ciidamada sida Gaarka ah u Tababaran ay kasoo badbaadiyeen Al-shabaab ku dhawaad 20-qof oo ay u heysteen Madaxfurasho Lacageed.
Wasiirka Hub ka dhista Maleeshiyaadka iyo Tababarada ciidanka Xasan Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaan ay ku xirnaayeen Saldhig ay leeyihiin Al-shabaab deegaanka Shanqoolow oo u dhaxeeya degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo ka kala tirsan gobalada Baay iyo Gedo, kadib markii Howlgal laga sameeyay.
Wasiir Xasan Xuseen waxa uu sidoo kale sheegay in dadka lasoo badbaadiyay uu jiro nin Ganacsade ah oo si aad ah loogu yaqaano Gobolada Koonfureed islamarkaana ay Alshabaab ay ka doonayeen in ay ka qaataan Lacago baad ah, waa siduu hadalka u dhigee.

