Saraakiil ka socotay dalka Mareykanka oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaa maanta waxa ay booqdeen Xarunta Tababarka ciidamada Booliska Somaliyed ee Jeneraal Kaahiye.
Xarunta Tababarka ciidamada Booliska Somaliyed ee Jeneraal Kaahiye, waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiishaan saraakiil sare sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaliyeed kuwaasi oo warbixino ka siiyay Howlaha Dugsiga Jeneraal Kaahiye.
Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliyeed ayaa halkaasi Salaan Sharaf waxa ay ku siiyeen Saraakiisha ciidamada Booliska Mareykanka ka socotay ee dhawaan soo gaartay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya
Labada Sarkaal ee maanta booqday Dugsiga Tababarka ciidamada Booliska Somaliyed ee Jeneral Kaahiye ayaa kala ahaa Hugo McPhee iyo John M. Harring, oo maalmahanba Muqdisho.






