Dawlada Brundi oo Ciidamo Badal ah Usoo Dirtay Gudaha Somaliya

0

Dawlada Brundi ayaa sheegtay in 2 battalion oo ka mid noqonaya hawgalka Amisom ee Somaliya ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya,kuwaas oo badalaya 2 battalion oo kale oo horay ugu sugnaa Somaliya oo dhamaystay muddo halsano ah oo joogitaankooda uu ku ekaa sidaasna waxaa sheegay Afhayeen u hadlay wadanka Brundi.

Corlonel Gaspard Baratuza oo ah Afhayeenka Ciidamada ee dalka Burundi ayaa sheegay in Ciidamadaan oo gaaraya illaa iyo 1,700 oo askari ay soo gaareen Somaliya xiliyo kala duwan illaa iyo bilowgii bishaan aynu ku jirno ee July.

Mr Baratuza ayaa hadalkiisa intaas kusii daray in 2 battalion ay horay usii wadidoonaan guulihii Ciidamada Amisom ay kasoo hooyeen dagaalka ka socda Somaliya.

Dawlada Burundi ayaa waxaa ay ka mid tahay wadamada ugu badan ee ay ka socdaan ciidamda Amisom ee Somaliya jooga kuwaas oo markii ugu horaysay Bishii December sanadkii 2007-dii  soo gaaray magaalada Muqdisho si ay u caawiyaan dawladii xigaas jirtay oo aheed mid aad u tabar daran.

Ururka midawga Africa ayaa dhowaan sheegay in ciidamada kasocda wadamada Afrikanka ah ee ku hawgala magaca Amisom ee jooga Somaliya laga saaridoono sanadka 2022-ka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here