Alaha u naxariistee Sareeye Guuto Cabdiraxmaan warsame Cilmi (Gen. Caarre) oo kamid ahaa saarkiisha Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed islamarkaana doorka muuqda ka soo qaatay dhismaha Ciidanka iyo dib-u-dhiska dalka ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Adem Axmed ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Sareeye Guuto Cabdiraxmaan warsame Cilmi (Gen. Caarre) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Mudane C/qaadir Shiikh Cali Diini wasiirka Gaashaandhiga waxa uu ku tilmaamay allaha u naxariistee Generaal Caarre nin waqti badan oo noloshiisa ka mid ah ku bixiyay sidii ay amni iyo kala dambeyn u heli lahaayeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed taasoo ugu dambeyn isagoo ummadiisa u adeegayo uu alle oofsaday.

