Wafdi uu Hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dalka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wafdigaan waxaa qeyb ka ah wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaliyeed C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaano, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo madax kale.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) Xildhibaano horay Baledweyne u joogay iyo Saraakiil Ciidan.
Ujeedka ay u tageen Magaalada Baledweyne xubnahan ayaa la sheegay inay tahay ka qaybgalka Xaflada Caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maalinta beri ah ka dhaceysa Magaalada Baledweyne

