Ciidamada Maamulka Puntland oo xabsiga dhigay Siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir-Ciiro)

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Goroowe Maamulka Puntland ayaa sheegaya ayaa ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ay Habeenkii xalay ahaa xabsiga ay dhigeen siyaasiga weyn ee daahir ciiro

Siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir-Ciiro) ayaa haatan ku xiran saldhiga Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland oo xalay ay dhigeen ciidamada amaanka Maamulka Puntland

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arimaha ugu badan ee siyaasiga loo xiray ay qeyb ka tahay hadalo uu shalay siiyay warbaahinta uu ku dhaliilayay siyaasada Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Gaas

Marar badan  ayuu siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir-Ciiro) uu dhaliil u soo jeediyay Xukuumada Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas

Wali wax war ah kama soo bixin Laama amaanka Maamulka Puntland ay kaga Hadlayaan xariga loo geystay siyaasiga daahir Ciiro

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here